Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamaya ay adeegsanayaan qoryaha waa-weyn oo dhawaaqooda laga maqlayo magaalada oo dhan.
Dagaalka maanta oo Isniin ah ayaa ka bilaabmay duleedka koonfureed ee magaalada halkaas oo labada dhinac ay saldhigyo ku leeyihiin.
Ma jirto faahfaahin dhaqso ah oo ku saabsan khasaaraha.
Sabtidii, ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay isku-dhacyo u dhaxeeyay labada dhinac, kuwaasoo badankood ay ahaayeen ciidamadii kala duwanaa ee dagaalamay.
Gaalkacyo ayaa u qaybsanta labo dhinac, iyadoo dhanka waqooyi ee ugu weyn ay maamusho dowlada Puntland dhanka koonfureedna ay maamulaan maamulka yar ee Galmudug.