Dagaalkii maanta ayaa ka dhacay deegaanada Dhoob, Higlo iyo biyaguduud ee gobolka Sanaag.
Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, dagaalka ayaa dhacay kadib markii ciidamada maamulka Somaliland ay weerar ku qaadeen ciidamada jabhada Caare kuwaasoo marayay deegaankaas.
Dagaalka ayaa la sheegay in khasaare uu ka dhashay soo gaaray labada dhinacba balse lama oga tirada dhabta ah.
Dhanka kale, mudaharaadyo rabshado wata ayaa ka dhacay maanta magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Mudaharaadka ayaa bilaabmay kadib markii dad weyne taageersan kornaly Caare ay waddooyinka isugu soo baxeen balse ciidamada Somaliland ayaa banaanbaxayaasha u adeegsaday rasaasta nool-nool.
Maahan markii ugu horeysay oo dagaal uu dhexmaro jabhada Caare iyo ciidamada Somaliland.
Kornayl Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaan Caare oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada Somaliland ayaa ka goostay sanadkii 2017 waxaana uu asaasay jabahad uu ugu yeeray “dulmi diid” taasoo fadhigeedu yahay gobolka Karkaar ee Puntland.