Qodobada ugu waa-weyn ee la isku mari-waayay ayaa waxaa kamid ah magacaabisihii ugu dambeeyay ee ay labadoodu sameeyeen sida haayada sirdoonka NISA iyo wasiirka amniga.
Khilaafka u dhaxeeya labada hoggaamiye ee dalka ugu sareeya ayaa soo ifbaxay horaantii bishaan September kadib markii Raysulwasaare Rooble uu shaqada ka joojiyay madaxa NISA Fahad Yaasiin, oo ay saaxiib dhowyihiin Farmaajo.
Loolanka u dhaxeeya labada masuul ayaa dib u dhac ku keenaya hanaanka doorashada dalka oo qorshuhu ahaa in la qabto bisha soo socota ee Oktoobar.