Codsashada baasaboorka Soomaaliga oo dib loo dhigay muddo asbuuc ah

Baasaboorka Soomaalida. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Codsashada baasaboorka Soomaaliga ayaa dib loo dhigay muddo asbuuc ah.

Laga bilaabo 27-ka Janaayo ilaa 2-da Febaraayo ayaa dib loo dhigay dalbashada basaboorka, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook-ka ee Haayada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Waxay intaas ku dareen in howlo farsamo dartood dib loogu dhigay qabashada codsiyada baasaboorka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*