Taliyaha Booliiska gobolka Nugaal, Faarax Cabdiraxmaan Warsame ayaa sheegay in labada nin ay ka degteen gaari xamuul ah kahor inta uusan gaarin kantaroolka koonfureed ee magaalada Garoowe.
Ciidamadda ayaa sidoo kale xiray darawalkii gaariga, oo ka yimid magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya, Faarax ayaa intaas ku daray.
Taliyaha Booliiska ayaa sheegay in baaritaan uu socdo.