Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in ciidamada isgarabsanaya ay la wareegeen magaalada Tiyeeglow iska-caabin la’aan kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay ka baxeen magaalada.
Bilowgii bishaan, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qabsatay magaalada Tiyeeglow kadib markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya oo hoostaga howlgalka AMISOM.
Al-Shabaab ayaa halgan ugu jirta sidii ay awooda uga tuuri lahayd dowladda Muqdisho, dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda soomaaliya iyo maleeshiyada ayaa socday tan iyo 2006-dii.