
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa degmo xeebeedka Xarardheere ee gobolka Mudug kala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab maanta oo Isniin ah, sida ilo-wareedyo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u sheegeen warbaahinta.
Xarra-dheere oo mar saldhig u ahaan jirtay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa tobankii sano ee u dambeeyay waxaa maamulayay Al-Shabaab.