Kornayl Bishaar Abshir Geedi oo ah taliyaha ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa wariyeyaasha u sheegay in nimanka laga shaki qabo lasoo qabtay kadib howlgal ammaan oo ay ciidamadu sameeyeen subaxnimadii hore.
“Ciidamadayadu waxay gacanta ku dhigeen labo nin oo looga shaki qabo Al-Shabaab oo dilay askari katirsanaa ciidamada dowladda hoose, kadib howlgal aan ka samaynay degmada Yaaqshiid, baaritaanku wali waa socdaa.” Ayuu yiri Kornayl Bishaar.
Howlgalkan ayaa imaanaya iyadoo wali kooxda Al-Shabaab ay Muqdisho ka wado dilal khaarajin ah iyo qaraxyo.