Isaga oo la hadlayay wariyeyaasha shalay oo Talaado ahayd, wasiirka amniga Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa sheegay in ujeedka howlgalku uu yahay sidii loo hagaajin lahaa ammaanka loolana dagaalami lahaa waxa uu ugu yeeray kuwo khakhal gelinaya ammaanka magaalada.
Ciidamada milatariga ayaa ka qayb qaadan doona howlgalka magaalada, sida uu sheegay Qarjab.
Howlgalka ayaa imaanaya kadib markii rasaasta qoryaha oo ay keentay muranada dhulka laga maqlay magaalada intii lagu guda jiray maalmihii dhawaa ee lasoo dhaafay.