Haayadaha ammaanka ayaa sheegay in gaariga oo noociisu ahaa Toyota Noah ay ciidamada horjoogsadeen kadib markii uu damcay in uu ka gudbo bar kantarool kutaala Isgoyska Ex-kantarool.
Lama sheegin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay qaraxaas, balse goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa afar askari uu dhawaac soo gaaray.
Qaraxa ayaa sidoo kale khasaare soo gaarsiiyay gaadiid dad-weyne oo goobta ka ag dhawaa.
Qaraxa ayaa imaanaya saddex maalmood kadib markii duqa cusub ee Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud uu xafiiska la wareegay kadib markii duqii hore Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay xafiiskiisa bishii July 20.