
Britain ayaa yeelatay Raysulwasaare cusub oo haween ah oo la dhaho Theresa May, kadib markii uu maanta shaqada ka tagay RW hore David Cameron.
Theresa May ayaa waxaa xilka u dooratay boqorada Britain Queen Elizabeth.

Kadib markii ay xafiiska la wareegtay RW cusub iyadoo oo ka hadlaysay irida hore ee xarunta RW Britain ee 10 Downing Street, waxay wacad ku martay in ay dalka ka dhigayso ‘hal qaran’ kaasoo ka shaqeeya danta dadka reer Britain.
Theresa May ayaa noqonaysa haweenaydii labaad oo UK ka noqota RW, kadib Margaret Thatcher.
RW cusub oo guda gashay soo magacaabida golaheeda wasiirada ayaa sheegtay in Boris Johnson oo ahaan jiray duqa London uu noqon doono wasiirka arrimaha dibada ee Britain.