“Wax walba oo duula oo aan ka ahayn shimbiraha, waxaanu u malaynaa cadaw,” ayuu yiri Xasan Yacquub.
Sanadadii u dambeeyay, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa dilay tobonaan dagaalyahan oo Al-Shabaab ah oo uu kamid ahaa hoggaamiyihii kooxda iyo ugu yaraan 10 kamid ahaa taliyeyaashooda sare.
Duqayntii ugu dambaysay oo ay drone-ka la eegteen Al-Shabaab ayaa bil kahor ka dhacday gobolka Jubdada Hoose.
Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa loo tababaray in ay iska qariyaan drone, haddii ay la kulmaan diyaarad jawi hoose ku duulaysa, ayna dhulka soo dhigaan, sida ay sheegeen saraakiisha Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa u dagaalamaysa sidii ay awooda uga tuuri lahaayeen dowladda Soomaaliya oo caalamka taageerayo, kadibna ay dalka ka samaystaan maamul iyaga u gaar ah oo Islaami ah.