Dowladda Soomaaliya oo u digtay dadka dhaqaalaha siiya ururka hubaysan ee Al-Shabaab

Taliyaha haayada nabadsugida NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa u digtay dadka dhaqaalaha siiya ururka hubaysan ee Al-Shabaab.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen saraakiil katirsan dowladda oo xalay ka dhacay Muqdisho, ayaa taliyaha haayada nabadsugida NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ku sheeay in dowladda ogtahay in dad badan ay Al-Shabaab siiyaan taageero maaliyadeed.

“Waxaa beryahaan caado laga dhigtay in dadka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in ururka nabad diidka ee Al-Shabaab ay lacag baad ah ka qaadaan iyaga oo lacagahaas magacyo badan ugu kala yeera Sakawaat in ay dhahaan sidoo kale taakulayn iyo magacyo badan,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Ugu dambayn, taliyaha ayaa sheegay in cidii lagu ogaado in ay dhaqaale siiso Al-Shabaab laga qaadi doono tilaabo sharciga waafaqsan.

Ururka Al-Shabaab oo xiriir la leh urur weynaha Al-Qaacida ayaa laga saaray intooda badan magaalooyinka waa-weyn ee koonfurta Soomaaliya balse weli waxa ay ka taliyaan deegaano badan oo miyi ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*