Dabka oo ka kacay korontada maqaaxi kutaala suuqa ayaa si dhaqso ah ugu fiday qeybo badan oo kuyaala Suuqa Bakaaraha, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.
Dabka ayaa baaba’shay meherado ganacsi oo badan oo kuyaala gudaha suuqa.
Ma jirto wax dad ah oo khasaare nafeed kasoo gaartay dabkaas, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.
Gaadiidka dab damiska ayaa ku guuleystay in ay seexiyaan dabkaas balaaran oo ay ka dhasheen khasaare dhaqaale.