![Haayada Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee NISA. [Sawirka: Anadolu]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2016/07/NISA-army.jpg)
Ugu yaraan saddex kamid ah ilaalada UN-ka ee Soomaalida ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii qarax gaarigooda loogu rakibay uu ku qarxay meel u dhow xarunta haayada UNDP ee muqdisho shalay oo Arbaco ahayd.
Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaas maanta oo Arbaco ah, sida uu ku warantay wakaalada wararka Reuters oo soo xiganaysa afhayeenka Al-Shabaab u qaabilsan howlgalada millatariga Cabdicasiis Abu Muscab.
