Haydar Al-abadi oo taleefishinka dowladda kasoo muuqday ayaa yiri: “Ma haystaan doorasho aan ka ahayn in ay isa soo dhiibaan ama in ay dhintaan.”
Ciidamada dowlada Ciraaq ayaa hadda qiyaastii hal kiiloomitir u jira duleedka cirifka bari ee magaalada Mowsil waxayna isku diyaarinayaan in ay galaan.
Cutubyo kale oo ciidamo ah ayaa dhanka koonfurta kaga soo siqaya magaalada Mowsil.
RW Al-abadi ayaa yiri: “Waxaan ku dhownahay dhammaan fariisimihii ISIS ilaahay idankiisna waxaanu maska ka jari doonaa madaxa. Wado kale ma haystaan mana jirto wado furan oo ah in ay baxsadaan.”
Mr Al-abadi ayaa ah sidoo kale taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Ciraaq.