Baydhabo-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya qaybteeda magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa maanta go’aan ka gaartay afar xubnood oo lagu eedeeyay in ay katirsanyihiin kooxda ISIS, kuwaasoo lagu qabtay dhawaan Baydhabo.
Afarta nin oo la xukumay ayaa lagu sheegay magacyadooda, Cali Maxamed Gaabow oo ah wakiilka Daacish ee gobolka Baay, Mahad Nuux Siidow oo kooxda u qaabilsan samaynta iyo diyaarinta qaraxyada, Cabdicasiis Xasan Mursal oo jabhadaha katirsan iyo Maxamed Shiikh Isaaq oo bumbo tuurka iyo qarxinta miinooyinka u qaabilsan kooxda.
Taliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya Aadan Abukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay go’aanka afarta nin iyadoo mid walba lagu xukumay 10-sanno oo xabsi ciidan ah.
Maxkamada ayaa sii daysay saddex nin oo kale oo looga shaki qabay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish (ISIS), kuwaasoo baaritaan kadib wax dambi ah lagu waayay.
Be the first to comment