Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka arrimaha dibada ee dowlada federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa sheegay in shir-weynaha madaxda urur goboleedka IGAD uu beri oo Talaado ah ka furmi doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
“Shirka IGAD beri ayuu ka dhacayaa Muqdisho sida la qorsheeyay,” sidaa ayuu u sheegay saxaafada Hadliye.
Dhanka kale, amaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo wadooyinka waa-weyn xiranyihiin muddo shan beri ah. Waxaana la dhigay wadooyinka waa-weyn ciidamo badan oo aad u hubaysan, kuwaasoo xiray ganacsiga kuyaala wadooyinkaas.
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegay in ay fursad weyn u yahay Soomaaliya in ay martigeliso shir sidaan oo kale ah sababtoo ah dalka ma martigelin shir caalami ah oo heerkaas gaar-siisan tan iyo sanadkii 1974, wakhtigaas oo Muqdisho ay martigelisay shir madaxeedkii Midowga Afrika.
Urur goboleedka IGAD ayaa ka kooban Soomaaliya, Kenya, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Itoobiya, Uganda, Eriteeriya iyo Jabuuti.