Rarista Warshadaha Garoowe: Qorshayn Magaalo mise Go’aan Degdeg ah?

Puntland Mirror
0 Min Read

Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa milkiilayaasha warshadaha bulukeetiga iyo aluminium-ka ee ku yaalla gudaha magaalada siisay muddo 10 maalmood ah inay uga guuraan goobaha ay hadda ka shaqeeyaan, iyadoo sheegtay in tallaabadu qayb ka tahay hirgelinta qorshaha guud ee magaalada (Master Plan).

Warqad uu xafiiska Xoghayaha Dowladda Hoose soo saaray 12-kii Nofeembar 2026 ayaa lagu sheegay in rarista warshaduhu looga gol leeyahay ilaalinta caafimaadka bulshada, hagaajinta bilicda magaalada, yareynta ciriiriga waddooyinka iyo wax ka qabashada sawaxanka iyo gaadiidka culus ee la xiriira hawlaha warshadaha.

Hase yeeshee, Cabdiraxmaan Abshir Jaamac, oo ah dhaqaale-yahan iyo khabiir ku takhasusay siyaasadda guud (Public Policy), ayaa su’aalo ka keenay muddada la bixiyay, goobaha loo rarayo warshadaha iyo qiimaynta saamaynta dhaqaale ee go’aanka.

“Ujeeddada warqaddu waa wanaagsan tahay. Sawaxanka, boodhka iyo gaadiidka culus ee warshadaha noocan ah waa dhibaato dhab ah oo dadka deriska la ah wajahaan. Hase yeeshee, habka go’aanka loo fulinayo ayaa su’aalo badan ka taagan yihiin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Wuxuu sheegay in muddada 10-ka maalmood ahi aysan macquul ahayn in lagu raro warshado leh mashiinno iyo qalab u baahan waqti iyo kharash badan. Waxa kale oo uu dhaliilay in warqaddu aysan cayimin goobaha loo rarayo warshadaha, isaga oo sheegay in dowladda hoose ay ahayd inay marka hore diyaariso aag warshadeed oo gaar ah.

“Goobo ku habboon ma aha eray dowladdu isticmaasho iyada oo aan goobahaas la cayimin. Dowladda hoose ayaa laga rabaa inay sahamiso, qorshayso, sheegto, una tilmaanto ganacsatada aagga ay u guurayaan,” ayuu yiri.

Warqadda rasmiga ah ee Dowladda Hoose ee Garoowe ee ku saabsan rarista warshadaha bulukeetiga iyo aluminium-ka. Xigasho: Dowladda Hoose ee Garoowe / Facebook.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale sheegay in warqaddu aysan soo bandhigin xog muujinaysa baaxadda dhibaatooyinka ay warshaduhu sababaan, sida cabbirka sawaxanka, heerka boodhka ama cabashooyinka dadka deegaanka.

Wuxuu su’aal geliyay in qiimaynta guddiga farsamo ee dowladda hoose ay ku habboon tahay in la sameeyo kaddib markii amarka rarista la soo saaray, isaga oo sheegay in qiimayntaasi ay ahayd inay ka horrayso go’aanka.

Warqadda dowladda hoose kuma xusna in la-tashi lala yeeshay milkiilayaasha warshadaha, shaqaalaha ama dadka ku nool xaafadaha ay warshaduhu ku yaallaan.

Cabdiraxmaan ayaa ka digay in rarista warshaduhu ay yeelan karto saamayn dhaqaale oo ka baxsan shirkadaha laftooda, maadaama wax-soo-saarka bulukeetigu qayb muhiim ah ka yahay dhismaha magaalada.

Wuxuu sheegay in haddii warshaduhu xirmaan ama kharashka wax-soo-saarkoodu kordho, ay kor u kici karaan qiimaha qalabka dhismaha iyo kharashka guryaha, halka shaqaalaha iyo qoysaska ku tiirsan silsiladda wax-soo-saarkuna ay wajihi karaan shaqo la’aan iyo dakhli-lumis.

Wuxuu soo jeediyay in dowladda hoose samayso qiimayn dhaqaale iyo mid deegaan, la-tashi la yeelato dhinacyada ay arrintu khusayso, isla markaana diyaariso goobaha cusub ka hor inta aan la fulin rarista.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale ku baaqay in ganacsatada la siiyo muddo u dhexaysa saddex ilaa lix bilood, ama waqti ay dhinacyadu ku heshiiyaan, si ay ugu diyaar garoobaan rarista. Wuxuu soo jeediyay in dowladda hoose ay ka fiirsato dhiirrigelinno ay ka mid yihiin dhul dowladeed oo qiimo jaban lagu kireeyo, muddo bilaash ah lagu isticmaalo ama cashuur-dhaaf ku-meel-gaar ah.

Go’aanka dowladda hoose ayaa imanaya xilli Garoowe ay ku jirto dadaallo lagu nidaaminayo kobaca magaalada iyo isticmaalka dhulka. Hirgelinta qorshaha guud ee magaaladu waxay u baahan tahay in la isu dheellitiro ilaalinta caafimaadka bulshada, baahida qorshaynta magaalooyinka iyo danaha dhaqaale ee ganacsatada.

“Siyaasad wanaagsan waxa ay mar walba u adeegtaa nolosha bulshada, waxa ayna ku taxaluqdaa kala doorashooyin adag. Waxaa muhiim ah in si deggan oo ka fiirsi leh loo dejiyo loona fuliyo siyaasadaha,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Wuxuu intaas ku daray in Garoowe ay u baahan tahay horumar qorshaysan oo aan si degdeg ah u dhaawacayn ganacsiga iyo dadka noloshoodu ku tiirsan tahay.

Dowladda Hoose ee Garoowe kuma aysan sheegin warqadda muddada dheer ee rarista, goobaha gaarka ah ee warshadaha loo rarayo ama taageero dhaqaale oo la siinayo ganacsatada.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *