Dhahar-(Puntland Mirror) Xaalada magaalada Dhahar ayaa maanta oo Arbaco ah degan kadib dagaal shalay ka dhacay magaalada.
Ciidamo katirsan Puntland iyo maleeshiyo deegaanka ah oo taageersan dhaqdhaqaaqa maamulka doonka Maakhir ayaa shalay dagaal bilaanmay gelinkii dambe ka qarxay magaalada, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dadka deegaanka ah.
Uhu yaraan shan qof oo dhammaantood ahaa dhinacyada dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalka, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.
Puntland ayaa ku eedaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka dambayso dagaalkaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.
Dhanka kale, wasaarada arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ugu baaqday in la joojiyo dagaalka waxayna ku eedaysay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu ciidamo ku daabulayo Dhahar.
Siyaasiyiinta mucaraadka ee Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu qaadayo masuuliyada colaada halkaas ka dhacday.
Xaalada ayaa maanta degan inkastoo ay labadii ciidan weli is-hor fadhiyaan, balse waxaa jira dadaalo ay garwadeen ka yihiin odayaasha dhaqanka ee deegaanka.
Isimo uu ku jiro isinka guud ee gobolka Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa ugu baaqay in degdeg loo joojiyo colaada.
Waxaa jira dad badan oo ku barakacay dagaalka, inkastoo aan lahayn qiyaasta dadka barakacay, haddana ilo-wareedyadu waxay Puntland Mirror u sheegeen in dadkii barakacay ay gaareen deegaanada ku dhow Dhahar sida Qardho iyo meelo kale.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo Puntland ay wajahayso duruufo kala duwan oo ugu weyntahay dhaqaale xumo daran, taasoo keentay shaqo la’aan iyo dakhliga dadka uu hoos u sii dhaco. Waxaanada lagu eedaynayaa hoggaanka madaxweynaha Deni oo sanad iyo bar ku jira muddo xileedkiisii labaad ee xukunka.