Ankara-(Puntland Mirror) Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay war-murtiyeed wadajir ah si loo xalliyo khilaafkooda ku saabsan heshiiska dhexmaray maamulka Somaliland iyo Itoobiya bishii Janaayo 2024 ee ahaa in Addis Ababa ay hesho marin badeed, sida uu shaaciyey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo wadajir ah oo ka dhacay Ankara, Erdogan ayaa habeenkii Arbacada uga mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed “dib u heshiisiintooda taariikhiga ah”.
Isagoo bogaadinaya heshiiska, Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inuu rajeynayo in heshiiska uu noqdo “tallaabadii ugu horreysay ee loo qaado bilow cusub oo ku saleysan nabad iyo iskaashi u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya,” isla markaana uu ugu dambeyn xaqiijin doono in Itoobiya – oo ah dalka ugu dadka badan ee aan lahayn marin badeed – ay hesho marin ay u isticmaasho badda.
“Waxaan aaminsanahay in shirkii aan maanta yeelanay, gaar ahaan dalabaadka Itoobiya ee ah inay hesho marin badeed, walaalkay Xasan Shiikh Maxamuud uu siin doono taageeradii loo baahnaa si ay u helaan marin badeed,” ayuu yiri hoggaamiyaha Turkiga.
“War-murtiyeedkan wadajirka ah wuxuu diiradda saarayaa mustaqbalka, ma aha waayihii tagay, wuxuuna xusaya mabaadi’da ay labada dal ee saaxiibtinimada leh, kuwaas oo aad noogu muhiimsan, ku dhisi doonaan wixii ka dambeeya maanta,” ayuu Erdogan ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
Labada dal ee deriska ah ee Geeska Afrika ku yaalla ayaa la kulmay xiisado cirka isku sii shareeraya tan iyo markii Itoobiya heshiis la gashay bishii Janaayo Somaliland, kaas oo loogu wareejiyey dhul xeebeed si ay u samaystaan deked iyo saldhig ciidan, iyada oo looga bedelanayo aqoonsi diblomaasiyadeed, inkastoo Addis Ababa aysan weli xaqiijin heshiiskaas.
Tallaabadan ayaa horseedday muran xooggan oo diblomaasiyadeed iyo militari, kaas oo Soomaaliya ku tilmaantay mid ku xadgudbaya madax-bannaanideeda. Arrintan ayaa dhalisay walaac caalami ah oo ku saabsan halista dagaal cusub, maadaama khilaafka uu soo jiiday Itoobiya cadawgeeda soo jireenka ah ee Masar iyo Ereteriya.