Isimada SSC-Khaatumo oo ciidamo booliis ah u sameeyay Laascaanood

Ciidamada booliiska Laascaanood. [Isha Sawirka: Facebook]

Laascaanood-(Puntland Mirror) Golaha sare ee isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa dhisay ciidan booliis ah oo ka holwgeli doona magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Isimada ayaa ciidamada booliiska kuwaasoo ka qeybqaadan doona nabadgelyada magaalada soo bandhigay maanta oo Axad ah.

Laascaanood ayaa banaanka looga saaray ciidamada Somaliland kadib dagaal bilowday bishii Febaraayo kaasoo weli ka socda duleedada magaalada. Somaliland ayaa magaalada xukumaysay tan iyo sanadkii 2007.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*