Ugu yaraan 9 qof oo ku geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo la nadiifinayo. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 9 qof ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho maanta oo Sabti ah, sida ay sheegeen haayadaha ammaanka.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay oo uu waday qof naftiis hure ah ayaa ka dhacay bar-kantarool oo u dhow madaxtooyada.

Dadka ku dhintay qaraxa ayaa waxaa kamid ahaa ciidamo, sida ay sheegeen masuuliyiinta haayadaha ammaanka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay tabiyeen warbaahinta afkooda ku hadasha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*