Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Gaashaandhiga Talyaaniga Lorenzo Guerini ayaa maanta oo Talaado ah yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Ujeedka safarka wasiirka ayaan weli la ogeyn, waxaase uu ku soo beegmay xilli Madaxweyne Farmaajo wakhtigiisii uu dhammaaday, saaxiibada beesha caalamka oo uu Talyaanigu kamidyahay ay walaac xoogan ka qabaan ismariwaaga ka taagan doorashada.