Soomaaliya oo heshay qeybtii ugu horeysay ee talaalka COVID-19

Talaalka oo ka soo degay Muqdisho. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah heshay 300,000 xabo oo talaalka COVID-19 ah, sida ay sheegaty Wasaaradda Caafimaadka.

Talaalka oo noociisu yahay Oxford-AstraZeneca ayaa ah qeybtii ugu horeysay oo soo gaarta dalka kuyaala Geeska Afrika oo la halgamaya sare u kicii labaad oo kaga yimaada fayruska saf-marka ah.

Shaqaalaha caafimaadka, dadka da’da ah, iyo dadka la nool cudurada raaga ayaa ah kuwa ugu horeeya ee lala beegsan doono talaalka, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 8,946 kiis oo COVID-19 tan iyo bishii Maarso 2020, sida ay sheegayso xogta Wasaaradda Caafimaadka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*