Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah kulan la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Shir jaraaid oo ay si wadajir ah u qabteen, waxay ku sheegeen in kulanka looga hadlay xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka iyadoo 4-tii sanno ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku egtahay bisha soo socota.