Janaraal Khaliif Ciise Mudan oo ku geeriyooday Turkiga

Khaliif Ciise Mudan. [Sawir Hore]
Ankara-(Puntland Mirror) Janaraal Khaliif Ciise Mudan, wasiirkii hore ee amniga Puntland ayaa maanta oo Talaado ah ku geeriyooday dalka Turkiga, sida ay xaqiijiyeen xubno qoyskiisa katirsan iyo masuuliyiin dowladda ah.

Khaliif ayaa asbuucyadii u dambeeyay ku jiray isbitaal kuyaala Turkiga kadib markii uu ku dhacay xabuunka Covid-19, sida ilo-wareedyadu ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Waxa uu ahaa khabiir ciidamada ah, siyaasi caan ah iyo ganacsade muddo dheer. Waxa uu wasiirka amniga Puntland soo noqday xukuumaddii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

2019, waxaa uu kamid ah musharixiinta xilka madaxtinimada Puntland. Tan iyo markaas, waxa uu xubin firfircoon ka ahaa khuburo ciidan oo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni kala talinayay dib u dhisida ciidanka.

Janaraalka ayaa darajada qaatay xilligii xukuumadii Maxamed Siyaad Bare, markaas oo uu katirsanaa ciidamada cirka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*