Farmaajo ayaa martiqaad ka helay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, waxaana safarkiisu uu qaadan doonaa muddo labo maalmood ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxtooyada.
Jabuuti oo ah dal yar oo kuyaala Geeska Afrika, ayaa kamid ah wadamada ku tabarucay ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta ku jooga gudaha Soomaaliya.