Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaaday agaasimihii wasaaradda maaliyada ee muddada dheer joogay xafiiska

Agaasimaha wasaaradda maaliyada Cabdirisaaq Maxamed Xasan ee xilka laga qaaday. [Xigashada Sawirka: MOF Puntland]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka ka qaaday agaasimaha wasaaradda maaliyada Cabdirisaaq Maxamed Xasan kaasoo muddo dheer joogay xafiiska.

Faysal Cabdullaahi Warsame ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee wasaaradda maaliyada Puntland, sida lagu sheegay digreeto madaxtooyada ka soo baxday subaxnimadii hore ee maanta oo Isniin ah.

Agaasimihii xilka laga qaaday Cabdirisaaq oo shaqeynayay tan iyo asaaskii Puntland ee 1998, ayaa loo magacaabay agaasimaha guud ee maxjarka, digreetada ayaa intaas ku dartay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xilalka ka qaaday guddoomiyaha bangiga dowladda, guddoomiyaha hanti-dhowrka guud iyo xisaabiyaha guud ee dowladda.

Digreetada laguma sheegin sababta keentay xilka qaadista, balse madaxweyne Deni ayaa qaadayay tilaabooyin u muuqda dib u habayn tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii Janaayo ee sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*