Haddaba halkaan waxaan ku soo gudbineynaa saddex waxyaabood oo aynu ka baran karno waraaqda warbixin-xisaab celinta ay wasaaradda maaliyadda Puntland soo saartay oo ay ku sheegtay in lacagta ka soo gaartay Dowladda Dhexe ay ahayd $450,000.
1. Wasaaradda Maaliyada Puntland waxay sheegtay in lacagtaaas qeyb kamid ah oo dhan $104,000 lagu maalgeliyay Wadada Wasaaradaha ee kutaala Garoowe, iyada oo intaas ku dartay in si wadajir ah ay u maalgeliyeen Dowladda Dhexe iyo Puntland, waxaana dhismaha wadada ku baxay $240,000. Bishii June ee sanadkan Madaxweynaha Puntland ayaa xariga ka jaray wadada oo ay dhistay shirkad Turki ah, Wasiirka Maaliyada Puntland Cabdulaahi Siciid Caarshe oo munaasabadii xarig jarka ka hadlayay ayaa sheegay in wadadaas oo dhererkeedu dhanyahay 1.5 km ay ku baxday lacag dhan $200,000 laguna dhisay isku tashiga ayna dhammaan kharashkii ku baxay bixisay Puntland.
Balse waraaqda Khamiistii soo baxday ayaa lagu sheegay in lacagta qeyb kamid ah ay bixisay Dowladda Dhexe taasoo ka hor imaanaysa hadalkii hore ee wasiirka maaliyada iyo madaxda sare ee Puntland oo madaxweyne Cabdiweli uu kamid ahaa oo isaga laftigiisu sheegay in dowladiisu ay si isku tashi ah u bixisay kharashka. Sidoo kale waxaa farqi dhan $40,000 dollar u dhaxeeyaa lacagta ay wasaaradu sheegtay in ay ku baxday wadada oo markii hore ay ku sheegtay $200,000, halka waraaqdii shalay ay ku sheegtay $240,000.
2. Wasaaradda Maaliyada Puntland ayaa waraaqdeeda ku sheegtay in lacag dhan $296,000 ay ku baxday dhammeystirka iyo ranjiyeynta garoonka diyaaradaha ee Garoowe, marka laga tago sheegashada wasaaradda lama hayo xaqiiq dhab ah in lacag intaas la eg ay ku baxday ranjiyeynta garoonka, sida ilo ka agdhow garoonka ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror . Bishii June ee sanadkii 2017 Madaxweynaha Puntland ayaa lacag dhan $2.5 milyan ku wareejiyay dhammeystirka garoonka diyaaradaha Garoowe, lacagtaas ayaa la rumeysanyahay in ay kamid ahayd lacag hor maris ahayd oo ka badan $15 milyan oo ay bixisay DP World kadib heshiiskii dekada Boosaaso.
Sida ay ilo-wareedku sheegeen, lacag kale ayaa laga qaaday shirkada Somtel taasoo cadadkeeda saxda ah aan lahayn, shirkada isgaarsiinta ayaa lacagtaas u bixisay si ay sumado xayaysiis ah ugu sameysato gudaha terminaalka garoonka.