In ka badan 300 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay weerarkaas, sida uu wasiirku sheegay.
In ka badan 30 qof oo ku sugan xaalad deg deg ah ayaa maanta oo Isniin ah loo qaaday dalka Turkiga si halkaas loogu daaweeyo.
Qaraxii Sabtida ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca gudaha Soomaaliya abid.