Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa shaqada ka ceyriyay dhammaan ciidamada ammaanka ee kantaroolka koonfureed ee magaalada Garoowe, sida ilo-wareedyo ku dhow wasiirka ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.
Arrintan ayaa timid maalin kadib markii ay ciidamadu ku fashilmeen in ay qabtaan gaari xamuul ah oo lagu soo dhex qarshay walxaha qarxa, kaas oo markii dambe lagu qabtay kantaroolka Boosaaso.
Be the first to comment