Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada Amisom ayaa shalay oo Arbaco ahayd ka hor istaagay Wasiiradda Arrimaha Insaanimada iyo Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya, Maryan Qaasim Axmed in ay gasho xarunta Xalane ee kutaala gudaha Muqdisho, sida ay ku sheegtay boggeeda Twitter-ka.
Wasiiradda ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay boggeeda rasmiga ah ee Twitter-ka ku sheegtay in iyada iyo shaqaale haween ah oo Wasaaradeeda katirsan ay Amisom u diideen in ay galaan Xalane.
“Waxaanu ku shaqaynaynaa xaalado adag oo ka jira gudaha Soomaaliya balse cudurdaar ma leh dabeecada aan maanta ka arkay askarta Amisom,” ayay tiri.
“Dabeecada iska weynaynsiinta ah ee askarta Amisom kula kaceen aniga iyo shaqaalahayga haweenka ah oo ka dhacday albaabka Madiina ee Xalane waa mid aan la aqbali karin.” Ayay ku dartay qoraaalka ay boggeeda Twitter-ka soo dhigtay Maryan Qaasim.
Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, wasiiradda ayaa rabtay in ay ka qaybgasho shir ka dhacayay xarunta Xalane.
Xalane ayaa ah xarun kutaala gudaha Muqdisho oo aad loo ilaaliyo waxaana kuyaala xafiisyo ay Qaramada Midoobay leedahay iyo safaarado ay leeyihiin wadamada reer Galbeedka.
Masuuliyiinta Amisom wali kama aysan jawaabin hadalka Wasiiradda Arrimaha Insaanimada iyo Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya.