Ugu yaraan 125 qof ayaa lagu dilay dad gaaraya 150 kalena waa lagu dhaawacay qarax ay sheegatay kooxda dowlada Islaamiga ah oo ka dhacay caasimada dalka Ciraaq, Baqdaad.
Gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay ayaa ku qarxay wado mashquul badan oo kutaala degmada Karrada gelinkii dambe ee Sabtida.
Deegaanka qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku xoogan Shiicada, dadka qaraxa ku waxyeeloobay ayaa u badan dad gelinkii dambe ee xalay halkaas ka dukaamaysanayay iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Qaraxan ka dhacay Baqdaad ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa oo ka dhaca dalka Ciraaq sanadkan.