Xabad joojin ka jirta caasimada Koonfurta Suudaan ee Juba

South Sudanese
Askarta dowlada Koonfurta Suudaan oo ilaalinaya wadooyinka caasimada Juba. Sawirka: Gettyimages/AFP.

Xabad joojin ayaa u muuqata in ay ka jirto caasimada Koonfurta Suudaan ee Juba, kadib afar beri oo dagaal culus uu dhacayay.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taageersan Madaxweyne Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisa Riek Machar. Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaalka afarta bari socday.

Madaxweyne Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisa Riek Machar ayaa shalay ku dhawaaqay xabad joojin.

Dagaalka u dhaxeeya labada nin ayaa khatar ku ah heshiiska nabada oo ay dhawaan gaareen Madaxweyne Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisa Riek Machar.

Koonfurta Suudaan ayaa xornimadeeda ka qaadatay Suudaan sanadkii 2011, balse labo sanno kadib waxay gashay dagaal sokeeye oo uu dhaxeeyay Madaxweyne Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisa Riek Machar. Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaaladaas waxaana ku barakacay malaayiin kale.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*