Wefdi ka socda Midowga Afrika oo qiimaynaya doorashada Soomaaliya oo yimid Muqdisho

Amisom
Wefdiga ka socda Midowga Afrika oo kulan la qaatay RW ku-xigeenka Sooomaaliya Maxamed Cumar Carte.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wefdi ka socda xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa gaaray magaalada Muqdisho maanta, wefdiga ayaa halkaas u tagay qiimayn, iyadoo ay soo aadanyihiin doorashooyin, la qorsheeyay in ay dhacaan bisha August iyo September ee sanadkan.

“Waxaan halkan u nimaanay si aan u dhagaysano dhamaan  qaybaha kala duwan sida, saaxiibada AMISOM iyo UNSOM, waxaanu  rabnaa  in aan fiirino waxa la rabo, kadibna aanu dib u noqono aana fiirino sida ugu fiican oo guddiga uu u taageeri doono shaqada AMISOM, gaar ahaan hanaanka doorashada soo socota,” sidaa waxaa yiri Mr Olabisi Dare, oo ah hoggaamiyaha wefdiga.

Wefdiga ayaa sidoo kale la kulmay Raysulwasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte “Qaalib” iyo saraakiil sare oo dowlada federaalka ah, kuwaasoo uga mahadceshay Midowga Afrika taageeradooda joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*