Wasiirka Amniga Soomaaliya oo sheegay in la qorsheynayo dhisida ciidamo gaaraya 30,000 si ay u badalaan AMISOM

Sawirka: Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abukar Islow.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in ay dhisto ciidamo gaaraya 30,000 si ay u badalaan xoogaga AMISOM ee jooga dalka, sida uu sheegay masuul dowladda katirsan.

Wareysi ay la yeelatay wakaalada wararka dowladda ee Sonna, Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abukar Islow ayaa sheegay in dowladdu ay qorsheynayso sidii ay u dhis lahayd ciidan dhan 30,000 si ay ula wareegaan ammaanka dalka marka ay baxdo AMISOM.

Saraakiil ka socda ciidamada dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa maanta oo Talaado ah isugu tagay Muqdisho si ay uga wada-xaajoodaan sameynta ciidamo qaran, sida uu sheegay wasiirku.

Soomaaliya ma aysan helin ciidan isku dhaf ah kuwaasoo awooda in ay la wareegaan ammaanka dalka qiyaastii 26 sanno.

Ku dhawaad 22,000  ciidamo ah oo ka socda Midowga Afrika ayaa difaacaya dowladda Soomaaliya ee Muqdisho fadhida oo ay kasoo horjeedo maleeshiyada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*