Wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya oo ogolaatay in shahaadada dugsiga sare la siiyo ardayada Puntland

Xildhibaano iyo wasiiro katirsan dowladda federaalka kuwaasoo ka soo jeeda Puntland ayaa kulan la yeeshay wasiirka waxbarashada Soomaaliya. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay in shahaadada dugsiga sare la siiyo ardayda Puntland, sida ilo-wareedyo katirsan dowladda ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Bilihii u dambeeyay ayaa waxaa soo ifbaxayay muran xoogan oo ka taagan shahaadada kadib markii wasaaradda waxbarashada Soomaaliya diiday in ay shahaadada dugsiga sare ee heer Soomaaliya siiso ardayda Puntland.

Sabtidii, xildhibaano iyo wasiiro katirsan dowladda federaalka kuwaasoo ka soo jeeda Puntland ayaa kulan la yeeshay wasiirka waxbarashada Soomaaliya, waxaana la isku afgartay in aan la siyaasadayn waxbarashada ardayda oo ah mustaqbalka dalka.

Qoraal uu bartiisa Facebook-ka soo dhigay wasiir waxbarashadu waxa uu ku yiri: “Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland. Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal oo aan dib idinkala wadaagi doono.”

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa ayaa uga mahadceshay wasiirka waxbarashada balanqaadka ku aadan in ardayda Puntland ay heli doonaan shahaadada dugsiga sare.

Muranka u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa soo bilaabmay bishii May markaas oo wasiirka waxbarasahada dowladda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare uu sheegay in ardayda Puntland aan la siin doonin shahaado haddii aysan ka qeybgalin imtixaanka ay wasaaradiisu diyaarisay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*