Ugu yaraan todobo dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo ku dhintay qarax ka dhacay gaarigii ay la socdeen gobolka Hiiraan

Sawirka: Qarax gaari oo mar hore ka dhacay gudaha Muqdisho.

Beledweyne-(Puntland Mirror) Ugu yaraan todobo dagaalyahan oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday kadib markii gaarigii ay la socdeen uu ku qarxay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaan la dhaho Durdur oo qiyaastii 40-km dhanka koonfurta ka xiga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada dhintay ee katirsan Al-Shabaab ay doonayeen in ay weerar is qarxin ah ku qaadaan saldhig ay ciidanka Soomaaliya ku leeyihiin halkaas.

Ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay maleeshiyada Al-Shabaab oo ku saabsan dagaalyahanooda qaraxa ku dhintay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*