Ugu yaraan sagaal qof oo ku dhaawacantay weerar ka dhacay jaamacada gobolka Ohio ee Mareykanka

Ugu yaraan sagaal qof oo ku dhaawacantay weerar ka dhacay jaamacada gobolka Ohio ee Mareykanka. [Sawirka: Twitter]
Ugu yaraan sagaal qof oo ku dhaawacantay weerar ka dhacay jaamacada gobolka Ohio ee Mareykanka. [Sawirka: Twitter]
Ohio-(Puntland Mirror) Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhaawacmay weerar ka dhacay Jaamacada gobolka Ohio kaasoo ay qaadeen labo qof maanta oo Isniin ah, sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa kusoo waramay in dadka ay ku dhaawacmeen toogasho iyo toorayeyn.

Sagaalkii qof ee dhaawacantay ayaa loo qaaday isbitaalada maxaliga ah, hal qof ayaa ku sugan xaalad daran kuwo kalena xaaladoodu waa wanaagsantahay, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Maamulka jaamacada ayaa ardayda ka codsatay in ay joogaan fasaladooda gudahooda.

Ciidamada ammaanka ayaa ku hareeraysan dhismaha jaamacada.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas ilaa iyo hadda.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*