Ugu yaraan saddex qof oo ku dhimatay qarax miinada dhulka lagu aaso oo ka dhacay duleedka Kismaayo

bas
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay gaariga qaraxa la kacay oo ahaa bas.

Kismaayo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay kadib markii gaari noociisa yahay bas oo ay saarnaayeen dad shacab ah ay miinada dhulka lagu aaso ku qaraxday.

Gaariga ayaa marayay saakay oo Arbaco ah duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose markii qaraxa miinada la kacday.

Lama yaqaan cida iskaleh masuuliyada weerarkaas, balse kooxda Al-Shabaab ayaa horey u qaaday weeraro kan lamid ah.

Kismaayo ayaa laga saaray kooxda Al-Shabaab sanadkii 2012-kii, balse maleeshiyaad badan oo Al-Shabaab ah ayaa wali ku sugan hareeraha magaalada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*