Ugu yaraan afar qof oo ku dhaawacmay kadib markii bumbo lagu xiray gaari boolis uu ku qarxay meel u dhow xafiiska ICRC ee Muqdisho

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii bumbo lagu xiray gaari boolis uu ku qarxay meel u dhow xafiiska ICRC ee Muqdisho. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii bumbo lagu rakibay gaari ay leeyihiin ciidamada booliiska Soomaaliya ay ku qaraxday meel u dhow xafiiska Haayada Laanqeyrta Cas (ICRC) ee kuyaala magaalada Muqdisho maanta oo Arbaco ah, sida ay sheegeen ciidanka booliiska.

Saraakiil katirsan booliiska oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in bumbadu ay qaraxday kadib markii afarta qof ay ka tageen gaariga oo la dhigay meel wax yar u jirta xafiiska ICRC. 

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in hal qof uu ku suganyahay xaalad daran halka labada kale uu dhaawac fudud soo gaaray. 

Haayada ICRC ayaa bayaan ku sheegtay in ay aad uga naxday in mid kamid ah shaqaalaheeda uu ku dhaawacmay qaraxaas.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse xagjiriinta Al-Shabaab ayaa mar walba geysta weerarada noocaan oo kale ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*