Ugu yaraan 27 qof oo ku dhimatay qarax isbiimayn ah oo ka dhacay masjid shiicada leeyihiin oo kuyaala magaalada Kabul ee Afkaanistaan

Masaajidka Baqer-ul-uloom ee gudaha magaalada Kabul. [Sawirka: Reuters]
Masaajidka Baqer-ul-uloom ee gudaha magaalada Kabul. [Sawirka: Reuters]
Kabul-(Puntland Mirror) Qof miino isku soo xiray ayaa isku qarxiyay gudaha masaajid ay Shiicada leeyihiin oo kuyaala caasimada dalka Afkaanistaan ee Kabul, waxaana qaraxaas ku naf waayay ugu yaraan 27 qof, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Qaraxa isbiimaynta ah ayaa ka dhacay masaajidka la dhaho Baqer-ul-uloom oo kuyaala deegaanka Baqer-ul-uloom.

Taliyaha ciidamada booliiska Kabul, Abdul Rahman Rahimi  ayaa warbaahinta u sheegay in dad badan oo kale ay ku dhawacmeen qaraxa, lagana baqayo in tirada dhimashada ay kororto.

Ma jirto koox si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*