Ugu yaraan 25 askari oo ciidamada Puntland ah oo lagu dilay weerar ay Al-Shabab ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaala Buuraha Galgala

Ciidamada Puntland oo ku sugan Buuraha Galgala. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 25 askari oo katirsan ciidamada Puntland ayaa la dilay kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaala buuraha Galgala subaxnimadii hore maanta oo Khamiis ah, sida uu sheegay sargaal.

Sargaal katirsan laamaha amniga Puntland oo magaciisa qariyay ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in ugu yaraan 25 askari oo katirsan ciidamada Daraawiishta Puntland lagu dilay weerarka.

Weerarka subaxnimo ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhig ciidan oo la dhaho Af-urur oo qiyaastii 70 km dhanka galbeedka uga beegan magaalo xeebeedka Boosaaso, sida uu sheegay sargaalku.

Puntland ayaa ciidamo aad u hubaysan u dirtay saldhiga weerarka kadib, sida uu Puntland Mirror u sheegay sargaalku.

Kani waxa uu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa oo hal maalin soo gaara ciidamada Puntland tan iyo sanadkii 2010-ka, markaas oo uu bilaabmay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*