Turkiga oo markab caawimo wada u diray Falastiiniyiinta

Markab caawimo ah
Markabka mucaawimada ah oo Turkiga u diray marinka Qasa.

Istanbul-(Puntland Mirror) Markab rakaab oo wada caawimaad ayaa ka tagay magaalo xeebeedka Mersin ee dalka Turkiga wuxuuna kusii jeeda magaalo xeebeedka kutaala Israel ee Ashod, sida uu sheegay sarkaal sare oo Turki ah.

“Kani waa markabkii labaad oo xamauul ah oo wada gargaar iinsaanimo oo loo diro Qasa tan iyo markii ay heshiiska gaareen Israel iyo Turkiga si loo soo celiyo xiriirka,” sarkaal sare, kaasoo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sheegay sidaa u sheegay taleefishinka Al Jazeera shalay oo Sabti ahayd.

Turkiga iyo Israel ayaa gaaray dabayaaqadii bishii Juun heshiis lagu soo celinayo xiriirka labada dal oo muddo lix sanno ah xumaa, xiriirka labada dal ayaa xumaaday kadib markii Markab Turkiga leeyahay oo mucaawimo u waday Falastiiniyiinta ay duqeeyeen Israel sanadkii 2010, kasoo ay ku dhinteen 10 qof oo ah kuwa ka shaqeeya insaanimada.

“Markabka ayaa sida 100 kuraasta curyaamiinta ah, 1,000 baaskiil, 100,000 oo boorsooyinka dhabarka ah iyo qalabka iskuulada, 300,000 oo dhar ah, 1,288 tan oo bur ah, 170 tan oo bariis ah, 64 tan oo sonkor ah, 95 tan oo saliid ah iyo 350,000 oo xafaayado ah,” sarkaalka ayaa yiri.

“Waxaanu filaynaa in alaabtaas ay gaaraan Qasa kahor inta aysan imaan Ciida Adxaha,” ayuu lu daray.

Ciida Adxaha ayaa la filayaa in ay bilaabmato 12-ka bishan September.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*