Soomaaliya oo mashruuc $112 milyan ah ka heshay Bankiga Adduunka oo waddooyin loogu dhisayo afar magaalo

Wasiir Bayle oo saxiixay mashruuca qeybta Muqdisho. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa $112 milyan ka heshay Bankiga Adduunka si loogu dhiso waddooyin kuyaala qaar kamid ah magaalooyinka dalka.

Wasiirka Maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle Ducaale ayaa sheegay in dhaqaale dhan $112 milyan oo Bankiga Adduunka uu bixiyay ay u adeegsan doonaan dhismaha waddooyin kuyaala magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo.

Muqdisho oo ah caasimada Soomaaliya ayaa dhaqaalahaas ka heshay $28 milyan, sida uu sheegay wasiirku.

Mashruuca ayaa ah wajiga kowaad, iyadoo wajiga labaad ay ka faaiideysan doonaan magaalooyinka kale ee dalka, wasiirka maaliyada ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*