Sarkaal katirsan ciidamada booliiska Soomaaliya oo lagu dilay degmada Kaaraan ee Muqdisho

Kaaraan
Saldhiga booliiska degmada Kaaraan ee Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Kooxo hubaysan oo aan la aqoon cidda ay yihiin ayaa caawa fiidkii ku dilay degmada Karaan ee Muqdisho sarkaal katirsan ciidamada booliiska Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha.

Afhayeenka wasaarada amniga dowlada federaalka Soomaaliya Cabdimaalik Macalin Shukri oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ayaa xaqiijiyay dilka sarkaalka.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Kornayl Cali Cadow Maxamuud wuxuuna kamid ahaa saraakiisha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka carartay kadib markii ay toogashada ku dileen sarkaalka.

Wali cidina si dhaqso ah uma sheegan masuuliyada dilkaas, balse kooxda hubaysan ee al-Shabaab ayaa horey weeraro kan lamid ah u qaaday.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*