Saddex askari oo Turki ah oo ay ISIS ku dishay waqooyiga Suuriya

taangi-turki
Ilaa iyo todobo askari oo Turki ah ayaa la dilay tan iyo markii Turkiga ay ciidamadiisa ka gudbeen xadka Suuriya 24-kii bishii Agoosto. Sawirka: EPA.

Ankara-(Puntland Mirror) Saddex askari oo Turki ah ayaa la dilay mid kalena waa dhaawacmay intii lagu guda jiray iskahor-imaansho dhexmaray dagaalyahanada Daacish (ISIS) oo ka dhacay waqooyiga dalka Suuriya, sida ay sheegeen ciidamada Turkiga.

Bayaan soo baxay shalay oo Jimce ah, militariga Turkiga ayaa ku sheegay in mid kamid ah taangiyadooda ay isku dhaceen dagaalyahanada ISIS meel u dhow magaalada Tel el-Hawa oo kutaala Suuriya.

Weerarka dhacay shalay oo Jimce ahaa ayaa noqonaya kii todobaad oo khasaare leh oo ilaa iyo hadda soo gaara ciidamada Turkiga, tan iyo markii Ankara ay ciidamdeeda gudaha u galeen dalka Suuriya 24-kii bishii Agoosto ee lasoo dhaafay si ay ula diriraan dagaalyahanada ISIS iyo Kurdiyiinta oo ku sugan waqooyiga Suuriya, kuwaasoo Turkiga aaminsanyihiin in ay ka dambeeyaan weeraradii argagixisada ahaa ee ka dhacay gudaha Turkiga.

Afar beri kahor ayaa Turkiga waxaa soo gaaray khasaarihii ugu horeeyay tan iyo markii ay howlgalka ku qaadeen waqooyiga Suuriya.

In ka badan lix askari oo Turki ah ayaa ku dhimatay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar madfac oo ay ISIS la beegsatay labo taangi oo ay leeyihiin ciidamada Turkiga meel u dhow magaalada Al-Rai oo kutaala waqooyiga dalka Suuriya afar beri kahor.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*