Qaramada Midoobay oo sheegtay in 6 milyan oo Soomaali ah ay u baahanyihiin gargaar deg deg ah

Barakacayaal ku sugan Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Qaramada Midoobay]
Nairobi-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 6.2 milyan oo dad ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya, oo ah kala bar shacab weynaha, ayaa u baahan gargaar deg deg ah, sida cuno, biyo iyo hoy, dadkaas ayaa waxaa saameeyay abaar iyo colaad, sida shalay oo Arbaco ahayd ay sheegtay Qaramada Midoobay, oo dalbatay lacag dhan $1.6 si wax loogu qabto.

Xafiiska Isku Xirka Arrimaha Insaanimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa sheegay in deeq bixiyeyaashu ay uruuriyeen dhaqaale ku filnaa sanadkii 2017 si looga hortago macaluul iyo dilaacida shuban biyoodka, balse xaaladu ay xumaan karto sanadkan haddii aan la helin dhaqaale ku filan.

Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka uga mahadnaqay uruurintii $1.3 bilyan sanadkii hore, waxaana uu sheegay in dhibbaatooyinkii hore kuwo lamid ah uu dalku wajahayo.

“Abaarta iyo colaada waa ay sii socdaan waxayna waxyeeli karaan nolosha malaayiin Soomaali ah, kuwaasoo weli barakac ah. Aniga oo ku hadlaya magaca dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanayaa beesha caalamka in ay sii wadaan caawimaada,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Deegaanada ugu daran oo ay dhibbaatadu ka jirto ayaa ah meelaha ay maamulaan maleeshiyada hubeysan ee Al-Shabaab, kuwaasoo diiday in gargaar la gaarsiiyo halkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*