Qaar katirsan musharixiinta madaxweynaha Puntland oo kasoo horjeestay guddiga xalinta khilaafaadka ee uu magacaabay Madaxweynuhu

Musharixiinta Madaxweynaha Puntland oo Garoowe shir jaraaid ku qaba Garoowe. [Xigashada Sawirka: Facebook/Shareeco Yaasin Shareeco]
Garoowe-(Puntland Mirror) Qaar katirsan musharixiinta madaxweynaha Puntland ayaa kasoo horjeestay guddiga xalinta khilaafaadka ee uu magacaabay Madaxweynuhu.

Shir jaraaid oo ay ku qabteen Garoowe maanta oo Talaado ah, musharixiinta ayaa sheegay in xubnaha guddiga aysan noqon doonin kuwo cadaalad ah sababtoo ah badankood waa masuuliyiin katirsan dowladda iyo saaxiibada dhow ee madaxweynaha.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ayaa shalay oo Isniin ahayd magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka baarlamaanka cusub kuwaasoo ka kooban todobo xubnood iyo xoghaye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*